Buuga waxbarashada fasalka 9Žaad

 Magaca:

Fasalka

Iskoolka

Bisha, sanadka

 Inta lagu jiro fasalka 9Žaad waxaad sii wadaysaan adiga iyo lataliyahaagu kashaqeyntii buuga waxbarashada. Hada waa inaad doorataa dariiqii aad mari lahayd markaad dhamayso fasalka 9Žaad, sidaa darteed waxaa muhiim ah inaad sannad dugsiyeedkan aad ka shaqayso nafsadaada iyo waxbarashooyinka kuu suurta geli kara.

 Sannadkan intiisa dambe waxaa lagaa rabaa inaad samaysato ama ka shaqayso qorshaha waxbarashada (uddannelsesplan) taaso aad raacinayso codsigaaga aad codsaneyso iskuullada sare. Codsigaas waxaa ugu dambeyn la celin karaa 15ka Maarso.

Qorshaha waxbarashada loogu talagalay waxaa ka mid ah isbarid aad isbarayso waxbarashada aad bilaabi doonto.  

Fasalka 9Žaad ,  wada hadalka adiga iyo lataliyuhu wuxuu ku saabsanaan doonaa sidatan:  

·        Waxyaabo lagu sameeyo fasalka 9Žaad siŽuu kuugu fududaado qorshahaagu.

·         Imtixaanada dhamaystirka

·        Hadaad rabto fasalka 10Žaad iyo qorshe kale sameyn

·        Doorashada wax barashada dugsiyada sare

 Ilaa iyo wadahadalkii u dambeeyey

 Waxaad usheegtaa lataliyehaaga waxaad ku mashquulsanayd wkahtiyadan dambe. Mawaxbaa iska bedeley, tusaale ahaan, noolaashada iyo gurigiina, ama iskuulka iyo waqtigaa aad fasaxa tahay.

                                             Ka fekerka waxbarasho

 Mawaxbaa iskabedeley doorashaadii hore ee waxbarasha, haduu isbedel jiro sheeg, waayo waxbarshooyinka kala duwan waxaa lagaa doonayaa waxyaabo kala duwan.

 Ma jiraan waxyaabo sameynaya baahida aad u qabto waxbarashada aad bilaabi doonto mustaqbalka

 Ma booqatay iskuulka aad bilaabi doonto.

 Maxaad u baahantahay inaad samayso si Žuu kuugu fududaado qorshahaagu?  

Ka fekerka shaqo

 Shaqadee ku qanacsantahay?  

Ma isku xidhanyihiin shaqada iyo waxbarshada aad rabto?

 Noocee waaye meesha aad rabto inaad ka shaqayso ( ma meel yarbaa ma meel weynbaa, ma banaankaa, ma gudahaa, ma kelligaa misa adiga iyo dad badan)?  

Maxaa kuugu muhiimsan shaqadaad ka shaqeyn doonto (musharka, amnigaaga, ku dhiiri gelin, inaad adigu meel furato)?  

Waqtiga fasaxa  

Ma ku fekeraysaa siday isu lasocdaan iskuulkaaga iyo waqtiga aad tahay fasaxa, waxa aad jeceshhay waqtiga aad tahay fasaxa inaad samayso ma ku dhalin karaa wax isbedela iskuulkaaga.  

Shaqadaada waqtiga aad tahay fasaxa, ma ku dhalinkartaa wax isbedela iskuulkaaga?

   

                                            Fasalka 10Žaad  

Hadaad rabto inaaad sii wadato fasalka 10Žaad  waa inaad ka jawaabtaa suŽaalahan?

 Maxaad udooratay inaad sii wado fasalka 10Žaad?

 Meeshee rabtaa inaad ku dhigato fasallka 10Žaad?  

Maxuu ku saabsanaanayaa sanadkaaga iskuulka faslak 10Žaad (madadee, heerkee ,maxaad qabanaysaa si uu kuugu iftiimo jidku, intaa kadib qorshe sameyn.

                                               Liiska xasuusta iyo balamaha

 Maxaad doonaysaa inaad waydiiso lataliyahaaga.? ( tusaale ahaan, Maxa lagaarabaa waxbarashadaa aad rabto, waxyaabo kaloo kusaabsan iskuulka, qorshahaaga waxbarashada, siday isugu xiranyihiin waxbarashada iyo shaqadu iyo qaar kaloo badan )?

 Balamaha aad goŽaansatay  

Gabagabo iyo ballamaha aad la leedahay latalliyehaaga ( Tusalle, qorhse cusub):  

Wax ku darsiga lataliyaha ku saabsan qorshaha ardayga:  

 Xasuusin ama lasocodsiin katimi guriga