|
Waxbarashada
Dhallinta da,da yar iyo Kaalinta waalidka
Talo
Guud
Sidee ayaan, haddii aan nahay waalidka
ajnabiga, u garab istaagi karnaa dhallaankeena (caruurteenna)
si ay u helaan waxbarasho u horseedda nolol wanaagsan oo ay ka
helaan waddankan Danmark?
Waalidku waxay kaalin muhiim uga jiraan nolosha iyo
horumarka carruurta. Sidaa owgeed kaalmada waalidka qiimo weyn
ayay ugu fadhidaa mustaqbalka carruurta.
Waa muhiim in aan waalid ahaan la soconno iskuulka
carrurteena iyo horumarka waxbarashadooda si aan u taageerno.
Maadaama aan ka kala nimi waddamo ku kala duwan
nidaamka waxbarashada, waa muhiim in aan wax ka ogaanno
nidaamka waxbarashada deenishka.
Kulamada uu iskuulku ugu yeero waalidka waxaa ku
jira warbinno muhiim ah, kuwaasa ka warbixiya sida ay
waxbarashadu u socoto iyo sidii aad ula socon laheyd
waxbarashada ilmahaaga. Sidaa owgeed waa in aan ka qeyb
qaadanno kulamadan. Haddii ay luqaddu kugu adagtahay waxaad
xaq u leedahay in laguu qabto turjubaan
Waa in aan iskuulka ula shaqeynaa si firfircoon, oo
aan aqbalnaa talo bixinta ay soo jeediyaan macallimiinta
carruurta wax u dhigta.
Waa in aan akhrinnaa waraaqaha laga soo diro
iskuulka. Waxaan codsan karnaa in loo tarjumo luqaddeenna
hooyo.
Mararka qaarkood carrrurteenu waxay illoobaan ama
iska dhaga tiraan in ay gaarsiiyaan waalidkood warqadda laga
soo diray iskuulka. Sidaa owgeed waalidku waa in ay mar mar
eegaan boorsada iskuulka, weydiiyaanna ardayga in iskuulka uu
warqad u soo dhiibay.
La socod maalmeed ku saleysan su’aalo in ilmuhu
wax ka soo bartay iskuulka ama in ay la kulmeen wax dhibaata
ah oo ku saabsan maadooyinka loo dhigo,
waa muhiim si loo sameeyo xiirir wanaagsan.
Waa in aan ku kaalmeynaa ilmaha in ay helaan wakhti
ay ka shaqeeyaan howsha iskuulka looga soo diray, waa in aan u
habeynaa qol ama meel fiican oo ay waajibkooda ku gutaan.
Waa in aan ka kaalmeyno carrurteena shaqada guriga
ee iskuulka looga soo diro. Haddii aanan kaalmeyn karin waa in
aan weydiinnaa xarumaha arrintan wax nagala qaban kara, sida
iskuulka, maktabadda iyo ururada ka jira xaafadda aad deggen
tahay.
Waa in aan xoogga saarnaa waxbarashada carruurteena
iyo ku adkeynta in warbarashadu ay muhiim tahay. Waa jidka
tooska ah ee loo mari karo mustaqbal dhab ah, gaar ahaan
annaga oo ah dad ajnabi ah.
Waxaa mihiim ah in aan carrurteena weydiinno
ulajeedada ay leeyihiin iyo mustaqbalkooda. Waa in aan
maskaxdooda ku adkeynaa, kuna dhiiri gelinnaa in ay gaaraan
barta ay tiigsanayaan.
Waa in aan magacownaa dhalin yaro iyo carruur kale
oo ay u suurta gashay in ay mustaqbal fiican sameystaan, aanan
ku dhiiri gelinnaa in wadadaas oo kale ay raacaan.
Sidoo waa in aan isticmaalnaa dhacdooyinka ku
ssaabsan dhallinyarada aan waxba baran oo wakhtigooda dayaca,
aakhirkana noqda kuwa lumiya fursadaha ay ku leeyihiin
bulshada.
Waxaa muhiim ah in aan si fiican ula soconno awoodda
waxbarasho ee ilmaheenna si aan ugu hagno waxbarasho ay ka
baxi karaan.
Waxaan ka ogaan karnaa jidka waxbarasho ee u
ilmaheenu doortay haddii aan weydiinno lataliyaha waxbarashada
ee jooga iskuulka.
Ogoow waa muhiim in la ogaado, in shaqada la
taliyaha iskuulka ay tahay in uu talo siiyo ardayga kuna
kaalmeeyo sidii uu ardaygu u dooran lahaa waxbarasho ku
habboon. Go,aanka kama dambeysta ah waxaa leh ardayga iyo
waalidka.
Waa in aan ku kaalmeynaa inlaheenna in ay wakhtiga
iskuulka ilaaliyaan.
Wakhtiga waxaa kale oo uu muhiim u yahay suuqa shaqada,
halkaasoo ay wakhti ilaalintu aad u adagtahay.
Waa in aan ka qeyb qaadannaa dhaqdhaqaaqyada uu
iskuulku diyaariyo. Waxay xoojineysaa wada shaqeynta iyo
kalsoonida ka dhaxeysa waalidka, macallimiinta iyo iskuulka.
Luqadda deenishku waa furaha fursadda waxbarashada
iyo shaqada.Horumar la,aaanta badanaa waxay ku saleysan tahay
luqadda oo liidata. Sidaa owgeed waxaa lagama maarmaan ah i
carruurtu ay tagaan xarumaha la tago iskuulka kadib, akhriyaan
buugaag, gaar ahaan kuwa qadiimka ah, daawasho barnaamijyo
cilmiyeed iyo kuwo saabsan taariikhda.
Waa in aanan carruurta hortooda iskuulka wax xun ka
sheegin, xataa haddii aan xaq
sheegeyno, sabatoo ah waxay saameyneysaa caruurta.
Waxaa muhiim ah in aan kala qeyb qaadanno caruurta
kulamo sanadeedka la qabto ee ku saabsan doorashada
waxbarashada iyo shuruudaha la iska rabo.
Hadii aan carruurta abaal marinno waxay ku dhiiri
gelineysaa in ay ku dadaalaan iskuulka.
Waa in aan isticmaalnaa wax walba oo gacanteena ku
jira.
Warbarashadu waxay muhiim u tahay mustaqbalka
caruurteenna. Hadii arrintan aanan gacan ka geysan, waxaa
yaraanaya fursadda ay ku gaari karaan jidka saxa ah.
|