Dhibaatooyinka ay la kulmaan dhallinyaradu inta ay    waxbarashada ku jiraan

 *   Waalidka oo aan taageerin ilmahooda, uguna soo jeedin si sax ah, xilna iska saarin warbarashada caruurtooda.

 *   Waalidka oo aan ardayga ka kaalmeyn karin shaqada guri ee loo soo diray, sababtoo ah waalidka oo aanan laheyn awood aqooneed.

 *   Aqoon darada ay waalidku u leeyihiin waxbarashada dhallinyarada, tasoo sababeysa tala bixin aan wanaagsaneyn oo ka timaadda dhinaca waalidka.

*   Waalidka oo aan aqoon u laheyn awoodda carruurtooda, maadooyinka ay xiiseynayaan, waxbarashada ay tiigsanayaan, tasoo sababeysa in talo xun la siiyo ardayga.

 *   Waalidka oo aan maalin walba la socon heerka aqooneed oo ay ilmahoodu joogaan, tasoo sababeysa in waalidku uu ka dhaga la’aado horumarka aqooneed ee ilamahooda.

*   Doorashada/xulashada waxbarasho aan qancineyn waalidka, way adagtahay in ay aqbalaan waalidku. Taa waxaa laga arki karaa in taageerada ardayga laga siiyo guriga ay yaraato haddii ardaygu doorto waxbarasho aan waalidku ku qanacsaneyn.

*   Maamul iyo qorshe la,aan dhinaca waalidka wuxuu sababaa isku daadsanaan iyo wareer ku yimaadda caruurta (waxaa loo baahan yahay in la qorsheeyo wakhtiyada; wakhtiga shaqada guriga, wax akhriska, iyo wakhtiga cayaarta).

*   Iska horimaad nidaamka iskuulka iyo nolosha guriga waxay keentaa in ardaygu uu wareero, dareemana daggenaansho la’aan iyo kalsooni la’aan.

*    Wararka aan salka laheyn oo ay ardaydu ka maqlaan kuwa ka waaweyn waxay jabisaa niyadda, hoosna u dhigtaa hamiga uu qabo ardaygu.

*   Way ku adagtahay ardaygu in uu helo boos uu ku tababarto marka uu waxbarashada ku jiro, ama shaqo dhab ah marka ardaygu uu dhameeyo waxbarashadiisa.

*   Isticmaalka ardaydu ay isticmaalaan luqadda deenishka marka ay joogaan iskuulka oo kaliya waxay sababeysaa in aysan buuxin shuruudaha waxbarasho ee laga rabo.

*   Ku cadaadin waalidka in almahoodu ay wax akhriyaan mar walba, iyo iska dhaga tir in ilmuhu u baahan yahay in uu qaato wakhti firaqo ah, waxay keeni kartaa in ilmuhu ay karhaan/nacaan wax akhriska.

*   Dhalinyarada oo billaaba waxbarasho ay ka heystaan fikrad aan saas u sii weyneyn.

*   Aqoonta cilmiyeed oo liidata ayaa waxay sababeysaa in ardaygu uusan dhameysan waxbarashada.

*   Ilmaha iyo waalidka oo aan laheyn wada xiriir hoose iyo is fahan, kuna saleysan waalidka oo ku barbaaray nidaam kale oo ka duwan kan Denmark.

*   Waalidka oo aan tageerin haddii ilmuhu ay doortaan waxbarashooyinka ku wajahan xirfadaha, ganacsiga iyo farasamada.

*   Dhallinyaradu waxay u baahan yihiin dad ay ku daydaan iyo u sheegid qisooyin wanaagsan oo ku dhiiri gelin kara in ay waxbarashadooda dhameystaan.

*   Qorshaha adag ee iskuulka iyo ku adkeysiga dhaqdhaqaaqyo waalidku ay marnaba aqbaleyn, ayaa waxay keeni kartaa in ilmuhu uu u kala qaybsamo labo dhaqan, culeysna uu soo food saaro (ilmuhu wuxuu ku dhex lumaa iskuulka iyo waalidka oo shuruudo iska soo horjeeda la yimaadda)

*   Dhallinyaro ajnabi fara badan, gaar ahaan gabdhaha xijaabka sita, ayaa dareema kalinimo iyo faquuqid, ayadoo ay goobaha waxbarashadu u badan yihiin deenish.

*   Deenishku ma doortaan marka iskuulka la joogo, in ay la galaan koox shaqo dhallinyarda ajnabiga, taasoo keeneysa in ay dareemaan kalinimo oo ay isaga tagaan waxbarashadii.

*   Gabdho fara badan oo ajnabi ah ayaa waxaa la saaraa waajib shaqo guriga iyo ilaalin walaalaha yar yar, sidaana waxay ku waayaan in ay casharkii ka shaqeeyaan.

*   Gabdho fara badan waxay ku qasban yihiin in ay doortaan waxbarasho aysan niyadda ka rabin. Taana waxaa sabab u ah in goobo badan oo suuqa shaqada aan laga soo dhoweyn xijaabka.