|
Dhibaatooyinka ay la
kulmaan dhallinyaradu inta ay
waxbarashada ku jiraan
Waalidka
oo aan taageerin ilmahooda, uguna soo jeedin si sax ah, xilna
iska saarin warbarashada caruurtooda.
Waalidka
oo aan ardayga ka kaalmeyn karin shaqada guri ee loo soo diray,
sababtoo ah waalidka oo aanan laheyn awood aqooneed.
Aqoon
darada ay waalidku u leeyihiin waxbarashada dhallinyarada,
tasoo sababeysa tala bixin aan wanaagsaneyn oo ka timaadda
dhinaca waalidka.
Waalidka
oo aan aqoon u laheyn awoodda carruurtooda, maadooyinka ay
xiiseynayaan, waxbarashada ay tiigsanayaan, tasoo sababeysa in
talo xun la siiyo ardayga.
Waalidka
oo aan maalin walba la socon heerka aqooneed oo ay ilmahoodu
joogaan, tasoo sababeysa in waalidku uu ka dhaga la’aado
horumarka aqooneed ee ilamahooda.
Doorashada/xulashada
waxbarasho aan qancineyn waalidka, way adagtahay in ay
aqbalaan waalidku. Taa waxaa laga arki karaa in taageerada
ardayga laga siiyo guriga ay yaraato haddii ardaygu doorto
waxbarasho aan waalidku ku qanacsaneyn.
Maamul
iyo qorshe la,aan dhinaca waalidka wuxuu sababaa isku
daadsanaan iyo wareer ku yimaadda caruurta (waxaa loo baahan
yahay in la qorsheeyo wakhtiyada; wakhtiga shaqada guriga, wax
akhriska, iyo wakhtiga cayaarta).
Iska
horimaad nidaamka iskuulka iyo nolosha guriga waxay keentaa in
ardaygu uu wareero, dareemana daggenaansho la’aan iyo
kalsooni la’aan.
Wararka
aan salka laheyn oo ay ardaydu ka maqlaan kuwa ka waaweyn
waxay jabisaa niyadda, hoosna u dhigtaa hamiga uu qabo ardaygu.
Way
ku adagtahay ardaygu in uu helo boos uu ku tababarto marka uu
waxbarashada ku jiro, ama shaqo dhab ah marka ardaygu uu
dhameeyo waxbarashadiisa.
Isticmaalka
ardaydu ay isticmaalaan luqadda deenishka marka ay joogaan
iskuulka oo kaliya waxay sababeysaa in aysan buuxin shuruudaha
waxbarasho ee laga rabo.
Ku
cadaadin waalidka in almahoodu ay wax akhriyaan mar walba, iyo
iska dhaga tir in ilmuhu u baahan yahay in uu qaato wakhti
firaqo ah, waxay keeni kartaa in ilmuhu ay karhaan/nacaan wax
akhriska.
Dhalinyarada
oo billaaba waxbarasho ay ka heystaan fikrad aan saas u sii
weyneyn.
Aqoonta
cilmiyeed oo liidata ayaa waxay sababeysaa in ardaygu uusan
dhameysan waxbarashada.
Ilmaha
iyo waalidka oo aan laheyn wada xiriir hoose iyo is fahan,
kuna saleysan waalidka oo ku barbaaray nidaam kale oo ka duwan
kan Denmark.
Waalidka
oo aan tageerin haddii ilmuhu ay doortaan waxbarashooyinka ku
wajahan xirfadaha, ganacsiga iyo farasamada.
Dhallinyaradu
waxay u baahan yihiin dad ay ku daydaan iyo u sheegid qisooyin
wanaagsan oo ku dhiiri gelin kara in ay waxbarashadooda
dhameystaan.
Qorshaha
adag ee iskuulka iyo ku adkeysiga dhaqdhaqaaqyo waalidku ay
marnaba aqbaleyn, ayaa waxay keeni kartaa in ilmuhu uu u kala
qaybsamo labo dhaqan, culeysna uu soo food saaro (ilmuhu wuxuu
ku dhex lumaa iskuulka iyo waalidka oo shuruudo iska soo
horjeeda la yimaadda)
Dhallinyaro
ajnabi fara badan, gaar ahaan gabdhaha xijaabka sita, ayaa
dareema kalinimo iyo faquuqid, ayadoo ay goobaha waxbarashadu
u badan yihiin deenish.
Deenishku
ma doortaan marka iskuulka la joogo, in ay la galaan koox
shaqo dhallinyarda ajnabiga, taasoo keeneysa in ay dareemaan
kalinimo oo ay isaga tagaan waxbarashadii.
Gabdho
fara badan oo ajnabi ah ayaa waxaa la saaraa waajib shaqo
guriga iyo ilaalin walaalaha yar yar, sidaana waxay ku waayaan
in ay casharkii ka shaqeeyaan.
Gabdho
fara badan waxay ku qasban yihiin in ay doortaan waxbarasho
aysan niyadda ka rabin. Taana waxaa sabab u ah in goobo badan
oo suuqa shaqada aan laga soo dhoweyn xijaabka.
|