Dhibaatooyinka ka heysta ardayda doorashada/xulashada waxbarashada ay rabaan

  Ø      Doorashada/Xulashada waxbarashada oo aan aad looga fakarin.

 Ø      Wadashaqeyn aan dhameyn oo dhex marta la taliyaha iskuulka, ardayga iyo waalidkiis.

Ø      Aqoon darro la’aan ama mid aan saa u sii fogeyn oo laga heysto  waxbarshada dhallinyarada.

Ø      Ulajeedada iyo awoodda  cilmiyeed dhallinyarada oo aan I laheyn

Ø      Diyaarinta buugga waxbarashada oo aan muhiimad gaar ah la siin.

Ø      Ardayga oo aan ogeyn awooddiisa/deeda aqoon.

Ø      Aqoon darro fursadaha waxbarasho iyo waxbarashooyinka sare.

Ø      Ku fakar la’aan waxbarasho iyo mustaqbal marka uu ardaygu da’ yaryahay

Ø      Doorashaha waxbarashada oo aan aad looga fakarin, qorshe fakar weyna aan lagu saleyn.

Ø      Ayadoo xoog la saaro waxbarasho laga helayo lacag fara badan, ayadoo aan la eegin ulajeedada iyo natiijada waxbarashadaas.

Ø       Ardayga oo da’ yaraan qoys abuura, taasoo ku kalifaysa in ardaygu uu doorto waxbarasho ku habboon noloshaiisa cusub.

Ø      Ku dhagid waxbarasha oo uu ardaygu ka dhigto saaxiib ama nolosha kaliya ee uu heysto.

Ø      Isticmaalka tala siin aan sax aheyn (talo ka qaadasho arday la da’ ah, saaxiibo iwm.)

Ø      Waxbarashada oo ku taalla magaalo kale, tasoo ardayga ku fogaan karta.

Ø      Rumeyn iyo ku kalsoonaan la’aan awoodda ardaynimo.

Ø      Aqoon darro waxbarasha uu doonayo arydaygu in uu barto ( sida shuruudda, waxyaabaha la iska rabo, iyo waxyaabaha ay ka kooban tahay.

Ø      Isa saarid la’aan masuuliyad  iyo dagdeg ku gaarid go’aan waxbarasho, tasoo keni karta in ardaygu uu gaaro go’aan qalad ah.

Ø      Hadallada aan wanaagsaneyn oo ay ardaydu ka maqlaan dadka ka waaweyn, tasoo saameyn karta in aysan sii wadan waxbarashadooda.

Ø      Waalidku waxay fara geliyaan doorashada waxbarasho ee carruurtooda ayaga oo aan ka fakarin awooda aqooneed ee uu leeyahay ilmahooda.